War Deg Deg ah:- Dagaalka Madaxtooyada oo sii xoogeystay iyo Qaraxyo laga maqlaayo gudaha iyo Banaanka Madaxtooyada.

War Deg Deg ah:- Dagaalka Madaxtooyada oo sii xoogeystay iyo Qaraxyo laga maqlaayo gudaha iyo Banaanka Madaxtooyada.

daajis.com:-Waxaa la maqlayaa Qaraxyo xoogan iyo Rasaas ka dhaceysa gudaha iyo banaanka Madaxtooyada Somalia ka gadaal markii Kooxo ka tirsan Alshabaab ay dhex galeen Madaxtooyada Somalia.

Alshabaab ku labisan Dareeska Ciidamada ayaa la sheegayaa inay kasoo galeen dhanka Boondheere, waxa ayna marka hore weerarka ku bilaabeen Qaraxyo ismiidaamin ah, iyadoona ay xigtay Rasaas iyo Hubka waaweyn.

Wararka naga soo gaarayo Madaxtooyada waxa ay tibaaxayaan in Kooxda ay usoo durqeen dhanka Madaxtooyada weerar xoogiisuna uu ka socdo albaabka hore ee Madaxtooyada laga soo galo dhanka Boondheere illaa iyo dhex bartanka Madaxtooyada waxa ayna wararku intaa ku darayaan in Weli uu socdo Dagaalka lana maqlaayo Qaraxyo xoogan.

Lama sheegi karo Khasaaraha dhimasho iyo dhawac, waxa ayna warar hoose sheegayaan in inta badan qaraxyada lagu furanaayay Albaabada iyo Jegbuuntiyada.

Lasoco wixii dheeri ah wararkeena dambe ee shabakada daajis.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada