War Deg Deg ah.- Madaxtooyada oo qiiceyso iyo Madaxweynaha, Wasiiro ku jiro Madaxtooyada oo gurmad loo la’yahay

War Deg Deg ah.- Madaxtooyada oo qiiceyso iyo Madaxweynaha, Wasiiro ku jiro Madaxtooyada oo gurmad loo la’yahay

daajis.com:-Warar dheerad ah oo naga soo gaarayo gudaha Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Dagaalyahaano ka tirsan Alshabaab oo wata Gaadiidka dagaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaan Cabdi-bilaha ay gudaha u galeen Madaxtooyada, iyagoona watay gaadiid yar yar oo ay ku xirnaayen walxaha qarxa islamarkaana ku furanayeen Jegbuuntiyada ay ciidamada joogan.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in xiligaani ay qiiceyso Madaxtooyada gaar ahaan Wasaaradaha ku dhexyaalo, waxaana la soo warinayaa in Madaxweynaha iyo Wasiiro badan ay ku go’doonsan yihiin gudaha Madaxtooyada waxaana la la’yahay fursad loogu fidiyo gurmad maadama weli la maqlaayo Qaraxyo xoogan iyo Rasaas xoogan.

Sidoo kale waxaa la maqlaaya Qaraxyo calculus oo ka dhex dhacaayo Madaxtooyada, waxaana jiro kala shaki xiligaani ka dhex taagan Ciidamada Dowlada dhexdooda maadama ay Alshabaab wataan dharka ciidanka iyo gawaarida Dagaalka.

Waxaa banaanka sare ee Madaxtooyada lasoo dhoobay Gaadiidka Dagaalka AMISOM oo iyagu laga dalbay Xirooyinka Xalane iyo Garoonka kuwaasi oo muujinaayo xeelad ay ku badbaadiyaan Madaxweynaha iyo Wasiiro ku dhex sugan Madaxtooyada.

Lama Oga sida ay xaaladu noqon doonto waxaana laga cabsi qabaa in Kooxdaasi ay illaa iyo bari ku dhex gaaran Madaxtooyada maadama ay aad u badan yihiin islamarkaana wataan gaadiid dagaal.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada