War Deg Deg ah:- Meydad badan oo tuban Madaxtooyada iyo Dagaalka xoogiisa oo qaboobay.

War Deg Deg ah:- Meydad badan oo tuban Madaxtooyada iyo Dagaalka xoogiisa oo qaboobay.

daajis.com:-Warar dheeraad ah oo naga soo gaaray Madaxtooyada ayaa sheegaya in gudaha Madaxtooyada ay dhex tuban yihiin Meydad u badan Ciidamadda Dowlada iyo kuwa weerarka soo qaaday.

Wararku waxa ay sheegayaan in Meydadka ay u badan yihiin Ciidamada Dowlada ee isku dhigay Rasaasta iyo Qaraxyada gaar ahaan kuwa ku sugan Jegbuuntiyada Madaxtooyada kuwaasi oo badi ku dhamaaday weerarada Ismiidaaminta oo ay geysanayeen Alshabaab.

Sidoo kale, waxaa goobaha uu ka socday Dagaalka laga la’yahay Ciidamada AMISOM, iyagoona bilowga weerarada ku kala carareen Darbiyada iyo goobaha jiifka, halka Ciidamada Dowladuna ay noqdeen kuwa Dagaalyahaanada Alshabaab ka difaacaayay Madaxtooyada.

Saraakiisha Ciidamada ayaa iyagu kala garan la Meydadka Ciidamada Dowlada iyo kuwa Alshabaab oo wada wata dares hal midab ah, waxaana adag in kala sooc lagu sameeyo xiligaani Ciidamada.

Waxaa xiligaani Madaxtooyada kusii qulqulaayo Gaadiidka Dagaalka AMISOM oo iyagu u socdo gurmad ahaan, balse waxa ay taasi muujineysaa kalinta damacsan oo ay AMISOM ku leedahay Dagaalada ka socda Somalia.

Dhanka kale, waxan laga warqabin xaalada ay ku sugan yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ku sugnaa gudaha Madaxtooyada mana jirto warar faahfaahsan oo laga helaayo xaaladooda Caafimaad wallow la sheegayo inuu jiro Khasaaro soo gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada hadana lama Oga halka uu gaarsiisan yahay.


mar dhow waxaan idiin soo gudbineynaa sawirada weerar ka lagu qaadey madaxdooyada iyo qasaaraha uu geeystey.. FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada