Wariye Cabdalle Aadan Cadde oo xalay lagu xiray magaalada Garoowe

Wariye Cabdalle Aadan Cadde oo xalay lagu xiray magaalada Garoowe

daajis.com:-Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa xalay lagu xiray wariye madax banaan oo lagu magacaabo Cabdalle Aadan Cadde.

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa xalay waqtigi Afurka wariyahaan ka kaxeeystay hoyga uu ka degan yahay magaalada Garoowe, iyadoona lagu xiray saldhigga Booliska Garoowe.

Cabdalle Aadan Cadde ayaa ah saxafi madax banaan oo in muddo ah wax ka qorayay arimaha Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, iyadoo loo maleenayo in xarigiisa ay sabab u tahay faalooyin uu dhawaan ka qoray sida ay u shaqeeyaan hay’adaha maamulka Puntland.

Warbaahinta ka howlgasha magaalada Garoowe ayaa si weyn u hadalhaya xariga wariyaha, iyagoona ka xun xarigga aan sababta lahayn ee lagula kacay saxafigaasi.

Ma ahan marki ugu horreysay ee wariye Cabdalle lagu xiro saldhigga magaalada Garoowe, iyadoo sanadki la soo dhaafay ee 2013-ka lagu xiray magaalada Garoowe.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada