Weerar lagu qaaday magaalada xeebta ee Mombasa oo dad lagu dilay

Weerar lagu qaaday magaalada xeebta ee Mombasa oo dad lagu dilay

daajis.com:-Weerar lagu dilay ilaa afar qof ayaa xalay lagu qaaday magaalada Mombasa ee gobolka xeebta ah ee dalka Kenya.

Weerarka ayaa la sheegay inay geeysteen rag hubeysan oo indhaha u xiran islamarkaana watay muudooyin, kuwaas oo la sheegay inay rasaas xoogan ku fureen dad ku sugnaa goobta la weeraray.

Dableydaan ayaa la sheegay in si aan kala sooc lahayn u laayay dadka, iyadoo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen ilaa afar qof, waxaana loo maleenayaa in weerarkaan uu yahay mid aargoosi daba socda.

Weerarada lagu qaadayo gobolka xeebta ah ee Mombasa ayaa cirka isku sii shareeraya, iyadoo weerarardaan ay sheegatay Al-shabaab, balse dowladda Kenya ay sheegtay in weerarkasi ay ka dambeeyaan dad siyaasiin ah oo degan Kenya.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada