Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo si nabdoon kula wareegay degmada Kuntu-waarey

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo si nabdoon kula wareegay degmada Kuntu-waarey

daajis.com:-Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta dagaal la’aan kula wareegay degmada Kuntu-Waarey oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo ciidamada ay maalintii labaad la wareegayaan deegaano muhiim ah.
Sida ay sheegayaan wararka Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmada, kadib markii ciidamada huwanta ay u soo dhaqaaqeen, iyadoo dadka deegaanka ay ka barakaceen, iyagoo ka cabsi qabay in lagu dul dagaalamo.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidi oo ku sugan Kuntu-Waarey ayaa u sheegay BBC-da in ciidamada ay si nabad kula wareegeen, isla markaana ay magaalada afarteeda koono ay saldhigyo ka sameysteen.
“Hal bastoolad xataa kama dhicinDegmada kuntuwaarey, ciidamada dagaal la’aan kula wareegeen, sida shalay oo kale ma dhicin wey nala dagaalameen, darsigii shalay ayay ku waana qaateen, Kuntu-Waarey waxay xad la leh Jubada Dhexe, sida deegaanada Bu’aale, iyo Saakow, dhinaca Baay Diinsoor ayay xad la leedahay, magaalada galbeedkeeda meel 4-KM ayaa ciidamada la dejiyay”ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Mar la weydiiyay qorshaha howl galkan ayuu sheegay in ujeedka yahay in al-Shabaab ka saaraan dalka oo dhan, isagoo xusay in howl galkan uu saameynayo xitaa Jubada Dhexe oo uu sheegay in Al-shabaab u carareen dhanka Saakow iyo Bu’aale sida uu yiri.
Ciidamada AMISOM oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa u muuqda kuwo isku fidinaya qeybo badan oo ka mid ah Shabeelaha Hoose, iyadoo xowliga uu howl galka ku socdo ay muujineyso sida durba ciidamada ay guulo horu dhac ah u gaareen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada