Dowladda oo War saxaafadeed ka soo saartay weerarkii maanta ee Xarunta Nabad Sugidda

Dowladda oo War saxaafadeed ka soo saartay weerarkii maanta ee Xarunta Nabad Sugidda

daajis.com:-Ciidamada amniga ayaa gaashaanka u daruuray weerar gaadmo ah oo ay xarunta xabsiga Jilocow ku qaadeen kooxada nabad diidka Al-shabaab abaarro 11:30 gelinkii hore ee maanta. Weerarka kooxda nabad diinka oo socday mudo 45 daqiiqo ah ayaa ciidanka dowladdu waxay ku dileen dhamaan xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ciidamada amniga ayaa xaqiijiyay inay weerarkan ka qeyb qaateen 7 xubnood oo dhamaantood lagu dilay isla goobtii dagaalku ka dhacay. Sidoo kale, waxay ciidamada amniga iyo ilaalada xabisga Jilicow cadeeyeen in weerarkan fashilmay uu ahaa mid ay nabadiidku ku doonayeen inay xabsiga ugala baxaan qaar kamid ah Al-Shabaab oo maxkamadi xukun ku riday kuna jira xabsiga.
 
Kooxda Al-Shabaab ee weerarka fashilmay soo qaaday ayaa 5 kamid ah ku labisnayd tuutaha ciidanka nabadsugida. Waxayna xabsiga ku soo weerareen labo gaari oo qaraxyo ku xiran yihiin oo la gubay. Weerarkan argagixiso ayaa waxaa ku dhintay 3 kamid ah ciidanka nabadsugida iyo 2 qof oo rayid ah.
 
Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay ugu horeyn bogaadinaysaa ciidanka amniga dalka oo sameeyay horumar wax-ku ool ah. Waxay dhanka kale u tacsiyaynaysaa qoysaskii ay ka dhinteen naftood hurayaasha ka tirsan ciidanka aminiga iyo dadkii rayidka ahaa ee halkaasi ku geeriyooday. Waxayna si weyn u dhaleecaynaysaa falalka argagixiso ee ay soo abaabulaan kooxaha nabad-diidka ee Al-shabaab oo ah kuwo diidan nabad iyo horumar ka taabo gala Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada