Daawo Muuqaal :- Sheekh Salafi ah oo ku Dhawaaqay in la Dawaan karo Haweenayda iyadoo Qaawan oo Qubaysanaysa

Daawo Muuqaal :- Sheekh Salafi ah oo ku Dhawaaqay in la Dawaan karo Haweenayda iyadoo Qaawan oo Qubaysanaysa

daajis.com:-Shiikhaan caanka ah ayaa magaciisa la dhahaa Usaama al-quusi wuxuuna ka mid yahay culimada ugu caansan dalka Masar gaar ahaan culimada salafiyiinta loo yaqaan ama manhajka salafiyiinta haysta.

Sheekhaan ayaa iftooday sida aad ka daawan doontaan Fiidiyowga hoos ku lifaaqan in haweenayda aad daawan karto iyadoo qaawan ka hor guurkeeda isagoo sheekhaani u daliishanaya qiso aan la hubin run ahaanteeda oo ka dhex dhacday asxaabta.

Fatwadaan ayaa muran badan ka dhalisay bulshada dhexdeeda gaar ahaan baraha ay isugu yimaadaan bulshadu sida Facebook iyo Twitter ka.

Hadalka sheekhaan ayaa ka dambeeyay mar su’aal la waydiiyay taas oo sheegaysay arinta araga dumarka wuxuuna sheekha si cad u yiri inay banaantahay inuu ninku fiirin karo gabadha uu shukaansado iyadoo qaawan oo qubaysanaysa ayna arintaas banaantahay wuxuuna raaciyay xadiiskii ahaa “إنما الأعمال بالنيات” sheekha marka uu arintaas iftoonayey waxaa hor fadhiyay dhalinyaro badan oo iyagu misaajidkaas soo xaadiray.




Fiidiyowga 1 aad



Fiidiyowga 2 aad

Fiidiyowga 3 aad

Sidoo kale waxaa waayadan lagu haystay sheekha inuu ka qayb galay bandhig ay samaynaysay kaniisada kaatooliga bandhigaas oo lagu soo bandhigay Filimaan badan oo uu ka mid yahay filimaanta nooca Sex loo yaqaan ama galmada xaaraanta ah taas oo sheekhu uu baneeyay uuna ogolaaday daawashadooda Subxaanalaah.

Sheekhaan ayaa wuxuu ka mid yahay culimada salafiyiinta dalka masar iyadoo salafiyada dalka masar ay ahayd mid soo kobcaysay ka hor kacdoonkii fagaaraha taxriir ee lagu riday madaxwaynihii kaliya taliyaha ahaa ee Xusni Mubaarak.

Dalka masar ayaa waxaa awood sare ku lahaa xisbiga ikhwaanul muslimiinka kuwaas oo 50% ka ahaa dalkaas balse waayadii dambe ayaa waxaa jirtay inay dadku usoo janjeersadeen dhanka salafiyada oo culimada salafiyiintu ku dadaaleen inay manhajka salafiyada umada fahansiiyaan.

Markii la riday Xusni mubaarak ayaa waxaa madaxtinimada dalka loo doortay Xisbiga ikhwaanul muslimiinka taas oo keentay inay salafiyiintu daciifaan ayna dacwadoodu yaraato.

Sanadii la soo dhaafay ayaa calmaaniyiinta, kiristanka iyo ciidanka dalkaas isku bahaysteen sidii ay kala jabin lahaayeen awooda islaamiyiinta isla markaana kursiga uga qaadi lahaayeen Mursi oo markaas madaxwayne sharci lagu soo doortay ahaa.

Inqilaabkii ay sameeyeen ciidanka dalkaas kadib ayaa waxaa soo baxay ninka hada talada dalkaas xooga ku haya ee SiiSi kaas oo soo jiitay indhaha iyo quluubta kiristanka iyo calmaaniyiinta wuxuuna xiray Mursi isagoo markaas isku soo taagay madaxtinimada dalkaas kuna guulaystay si aan sharci ahayn.

Hadaba salafiyiinta dalkaas oo mudo iska jahwareersanaa ayaa culimadooda waxay isugu biya shubteen taageerista SiiSi iyo inqilaabka uu sameeyay iyagoo markaas ku xumaynayey Jamaacada ikhwaanul muslimiin, culimada salafiyiinta oo lahaa xisbi wayn oo loo yaqaan Xisbul Nuur ayaa waxay isku sawireen iyagoo laabta ku haysta sawirka SiiSi taas oo caro wayn ku abuurtay qofkasta oo ku abtirsanayey Dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah ee ka jira caalamka oo dhan

Shiikhaan hada iftooday in ay banaantahay in la fiiriyo haweenayda iyadoo qaawan ayaa wuxuu ka mid ah culimadii ugu horeysay ee la dhacay Siisi iyo wuxuu sameeyay wuxuuna si cad u taageeray inqilaabkii uu waday siisi wuxuuna ka soo hor jeestay ikhwaanka isagoo la arkayey sawir uu ku sawiranyahay Mursi oo calaamada X la saaray wuxuuna la taagnaa haween madax qaaqaawan.

Sheekha ayaa lagu eedeeyaa inu fududaysto booska uu joogo isagoo marna xirta dhar aan ku haboonayn culimada sida suudka marna isla sawira dumar laab iyo madax qaawan taas oo sharaf dhac iyo darajo dhac ku ah sheekha iyo booska uu joogo ee culimo.

Arintaan uu iftooday ayaa ah mid aan waxba ka jirin sheekhuna uu ku dambaabay waxayna noqotay mid islaamka oo dhan ka fajacisay, waxaana ay keentay arintaan inay dadku caayaan manhajka salafiyiinta oo in badan dadka muslimiintu haystaan, dadkaas dhaliilalayey ama caynayey salafiyiinta ayaa ku tilmamayey manhajku inuu saxanyahay balse culimada wada ay noqdeen kuwa u janjeera gaalada iyo dhalanteedka aduunka.

Salafiyada ayaa ah manhaj ku abtirsada salafkii iyo asxaabtii rasuul ridwaanulaahi calayhim iyo atbaacdoodii iyadoo uu manhajkaan cusboonaysiiyay Sheekh Maxamed Bin CabdilWahaab RXM oo noolaa qanigii 18 naad milaadiga.

Salafiyiinta ayaa hada u kala jaban dhow qaybood iyadoo ay ugu caansanyihiin salafiya jihaadiya oo ah dhamaan xarakooyinka jihaadiga ah ee ka jira maanta caalamka. culimada salafiyiinta ayaa lagu sheegaa inay ukala jabeen qolo taageersan salafiya jihaadiya oo intooda badan xabsiyada ku jira qaarna aan loo ogolayn dhaqdhaqaaqa oo xabsi guri u badan halka qaarka kalana lagu eedeeyo inay la safteen xukuumaatka carabta oo iyagu noqday jaairiin u janjanjeera dhanka reer galbeedka.

Halkan ka Daawo Sheekha oo si toos ah loogu jeesjeesayo oo la leeyahay ma Sheekh baa tahay mise nin ka tirsan amniga dalka taas oo wariyuhu ku jeesjeesayo waxaana keeni karta arintaas 


Fiidiyowgan hoose ayaa sidoo kale muujinaya falanqayn lagu samaynayo sheekha kadib markii lalayaabay Tasarufaadkiisa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada