Daawo-Video:- Taliyayaasha CXD iyo Kan Amisom oo ku Dhawaaqay inuu bilaawday Operation Indian Ocean

Daawo-Video:- Taliyayaasha CXD iyo Kan Amisom oo ku Dhawaaqay inuu bilaawday Operation Indian Ocean

daajis.com:-Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa waxay maanta iclaamiyeen in uu bilowday Hawlgalka Badweynta Hindiya (Indian Ocean), oo lagu sheegay mid Al Shabaab looga saaraayo goobaha ay ka joogto Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom General Silas Ntigurirwa, ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu bilowday Hawlgalka Badweynta Hindiya, wuxuuna ku macneeyay mid culeyska looga saaraayo deegaanada, ay go'doomiyeen Xoogaga Al Shabaab.

 Taliyaha, ayaa sheegaaya in uu qorshahoodu yahay inay u gurmadaan dadka ay macluushu ku heysato deegaanadii billo ka hor laga fara maroojiyay Ururka Al Shabaab.

 General Silas Ntigurirwa, ayaa codsaday in shacbiga Somaliyeed ay gacan ka geystaan, sidii cagta loo marin lahaa Ururka Al Shabaab, haddii ay shacabku yihiin kuwii laga dulqaadi lahaa Shabaabka.
 
Abaan Duulaha Ciidanka Xooga Dalka General C/risaaq Khaliif Cilmi, oo ka barbar hadlaayay Taliyaha Amisom, ayaa wuxuu dhankiisa sheegay inay fulinayaan tallaabada gargaarka lagu gaarsiinaayo dadka nugul.
 
Abaan Duulaha wuxuu bulshada deegaanka uu ka codsaday inay ka qayb qaataan hawlgalka lagula dagaalamaayo Ururka Al Shabaab, si looga guuleysto mintidiinta.
 
Masuuliyiintaan oo galabta shir jaraa'id ku qabatay Xarunta Amisom ee Xalane, ayaa waxay si guud ugu wada dhawaaqeen in ay culeys xoogan saarayaan Xoogaga Al Shabaab.
 
 
Shir ciidamada xooga dalka somali


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada