Dowlada Soomaaliya oo Qorshe Culus Damacsan, siyaasiyiin xamar isaga huleelaya

Dowlada Soomaaliya oo Qorshe Culus Damacsan, siyaasiyiin xamar isaga huleelaya

daajis.com:-Dowlada Federaalka Soomaaliya uu garwadeenka ka yahay Xasan Sheekh Maxamud ayaa bilaawday Qorshe Cusub oo si gaar ah loogu ugaar sanayo in sharciga lala tiigsado qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku xad gudbaysa Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo idaacada iyo televishinada Soomaalida ka sheegaya hadalo lidi ku ah jiritaanka dowlada Soomaaliya.

Siyaasiyiintani oo marnaba aanan eegin dhanka hormarka ay dowlada ka sameeysay ayaa inta badan dhaliila qaladaadka dowlada iyagoo banaanka keena wararka suuqa la isla dhex marayo kuwaasi oo saxaafada ka sheego.

Taasi ayaa sababtay in dowlada ay il gooni ah ku eegto siyaasiyiintaasi waxaana hadda arinta noqonaysaa in ay u kala qeyb samaan laba qeybood oo kala ah kuwo dowlada taageersan iyo kuwa dowlada mucaaradsan hadaba waxaa is weydiin mudan kuwa mucaaradka noqonaya maxaa xal u ah.

Warar hoose oo aan helayno ayaa tibaaxaya in siyaasiyiintaasi ay durba bilaabeen in ay isaga huleelaan caasimada soomaaliya ee Muqdisho ee Dowlada ka taliso kuwaasi oo ugu yaraan tagaya magaalada Nairobi si ay halkaasi ugu soo shidaan wararka ka dhanka ah dowlada Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada