Kismaayo:- Wasiiro tagay iyo kuwa kusoo jeeda

Kismaayo:- Wasiiro tagay iyo kuwa kusoo jeeda

daajis.com:-Illaa dhawr wasiir oo ka socda dowladda federaalka ayaa gaartay magaalada Kismaayo, kuwa kalana maanta ayay kusii jeedaan, iyada oo halkaasi uu ka qabsoomayo shir u dhaxeeya maamulka Jubba iyo dowladda federaalka.

Wasiirada tagay waxaa ka mid ah wasiirka maaliyadda Xusseen Cabdi Xalane iyo kan arrimaha gudaha Mudane Goodax, waxaana maanta la filayaa in uu halkaasi tago Faarax Cabdiqaadir oo ah wasiirka dastuurka.

Waxaa sidoo kale magaalada ku sugan wafti ka socda urur goboleedka Igad, iyada oo halkaasi la doonayo in lagu soo afjaro hirgalinta heshiiskii Addis Ababa lagu kala saxiixday.


Waxaa jira isfaham iyo isu soo dhawaansho labada dhinac.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada