Xog: BARAAWE oo shirar xasaasi ah ay ka socdaan iyo Shabaab oo walaacsan

Xog: BARAAWE oo shirar xasaasi ah ay ka socdaan iyo Shabaab oo walaacsan

daajis.com:-Ilo wareed ka tirsan Maleeshiyada Axmed Cabdi Godane ee Alqaacidada Somalia, ayaa sheegaya in Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka socdaan Shirar waaweyn oo u dhexeeya Hoggaamiyaha Maleeshiyada iyo gabi ahaan Saraakiisha Alshabaab ee ku kala sugnaa Gobolka Banaadir iyo Gobolada Dalka oo idil,oo halkaasi isugu tagay.

Shirka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid lagu dajinaayo shirqoolo ka dhan Dowlada Federaalka Somalia, kadib markii ay DF jaan rogtay Siyaasada Alshabaab ee ku saleysneyd falalka gurcan ee isugu jira dilka iyo weerarka Maleeshiyada uga geysan jireen Magaalada Muqdisho, oo Shabaabka looga adkaaday.

Waxaa sidoo kale shirarka looga hadlayaa dagaalka culus ee degmadaas iyo goobaha kale ee Al-Shabaab kaga soo wajahn dowladda federaalka Soomaaliya iyo Amisom.

Shirarka ayaa la sheegayaa in Baraawe uu ka socdo muddo Seddex maalin ah, iyadoona ay soo gaaren halkaasi Saraakiil Ajaanib ah oo kasoo kala jeeda Dalalka Pakistaan, Ciraaq iyo kuwa kale, kuwaasi oo bixinaaya  Tababaro.


Sidoo kale, Hoggaamiyaha Alqaacidada Somalia ee Alshabaab Axmed Godane ayaa wado qorshooyin cusub, waxaana la sheegay inuu ku hanjabay inuu Jawaab ka bixin doono dilalkii ay maalmahaani fulineysay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Howlgaladii lagu maja xaabinaayay Saraakiisha Maleeshiyada Alshabaab ee ku dhex dhuumanaaya Magaalada Muqdisho.

Waxan la Ogeyn Go’aanada ay Maleeshiyado ka soo saari doonaan kulamadooda ka socda Degmada Baraawe oo gacanta ugu jirto Kooxda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada