Top Secret:- Puntland oo wadda qorshe laga cabsi qabo inuu xiisad cusub abuuro.

Top Secret:- Puntland oo wadda qorshe laga cabsi qabo inuu xiisad cusub abuuro.

daajis.com:-Warar naga soo gaaraya  dhanka Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Maamulka uu wado Qorsho cusub uu ku doonayo inuu maamulka Khaatumo kusoo biiriyo Puntland.

Ilo wareed ka tirsan Maamulka Puntland ayaa inoo xaqiijiyay in Maamulka ay arrintaasi kala hadleen Madaxweynaha Khatumo Cali Khaliif iyo Odayaal dhaqmeed ka tirsan Khatumo, balse Jawaab aysan weli ka soo bixin.

Waxaa la filayaa in kulan Xasaasi ah ay wada qaadan doonaan Madaxweynayaasha Puntland iyo kan Khaatumo, kuwaasi oo ka arrinsan doona wada shaqeynta, iyadoona C/weli Gaas uu Madaxweyne Cali Khaliif ka dhaadhacsiin doono in leysku biiriyo Puntland iyo Khaatumo.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay haddii ay dhacdo riyadiisa in Maamulka Khatumo uu siiyo Seddex xil oo kala ah, Madaxweyne Ku-xigeenka, wasiirka Gaashandhiga iyo Warfaafinta.

Maamulka Puntland ayaa wada Qorsho lagu dardar galinaayo is raaca labada Maamul, waxaana muuqaneysa in Maamulka Somaliland uu arrintaasi ka sii baaran dagayo.

Dadka reer Khaatumo, ayaa arrintan u arka daan-daansi iyo xaasidnimo ka dhan ah maamulkooda cusub, oo iminka rajo weyn laga qabo inay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ansixiyaan.

Dhanka kale, waxaa laga cabsi qabaa haddii ay dhacdo in Maamulka Puntland iyo Khatuma Midooban ay Ciidamada Somaliland weeraro ka geystaan deegaanada hoostaga Khatuma.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada