Dowladda Dalka Jabuuti oo ka Hadashay weerarkii Shalay Galab ka dhacay Garoonka Diyaaradaha

Dowladda Dalka Jabuuti oo ka Hadashay weerarkii Shalay Galab ka dhacay Garoonka Diyaaradaha

daajis.com:-Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay weerarkii toogashada ahaa ee shalay ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jabuuti aanu ahayn mid weerar argagaxiso ahaa

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf, ayaa meesha ka saaray in weerarkaan uu wax xiriir ah la lee yahay, weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 24-kii bishii May ka dhacay Magaalada Jabuuti.
 
Wasiirka waxa uu xusay in nin askari uu si gaar ah u beegsaday dhakhtarta caafimaadka ee Madaxweynaha Jabuuti, Dr. Idiris Cabdi Galab, oo sidoo kale ka tirsan Ciidanka Ilaalada ee Jamhuuriga ah, xilli ay xurgufi u dhaxeysay.
 
Wasiirka, ayaa tibaaxay in gacanta lagu haayo askarigii toogashada ka geystay Garoonka, ilaa iyo hadana uu askarigu sheegtay wax shakhsi ah oo uu tabanaayo, isla-markaana aanu u dan lahayn Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiraada Jabuuti, oo Madaxweynaha ku soo dhaweysay Garoonka.
 
Maxamed Cali Yuusuf oo u waramay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa xusay in Dowladda Jabuuti ay goor dhow ka soo saari doonto Warbixin dhameystiran falka uu geystay askarigaan, Maxkamadna la horkeeni doono.
 
Dhanka kale Wasiirka, ayaa sheegay in rasaastii uu furay ninka askariga ah, ay ku dhaawacantay ilaa saddex ruux oo uu ku jiro dhakhtarta, kaasoo uu sheegay in dhaawac culus uu ka soo gaaray rasaastii lala dhacay.
 
Dhacdadaan, ayaa noqoneyso nooceedii ugu horeysay oo ka dhacda Garoonka Jabuuti, waxayna dareen xasaasi ah ku beertay Madaxda iyo bulshada reer Jabuuti.
 
Dalka Jabuuti ayaa ah Dal aad u nabdoon oo waxyaabahaas oo kale ay badanaaba kadhicin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada