Top Secret:- Cabdi-waal oo ka hadlay sida uu uga dhoofay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Top Secret:- Cabdi-waal oo ka hadlay sida uu uga dhoofay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Cabdi Nuure Siyaad Cabdi Waal oo ka mid ah Hogaamiye Kooxdeedyadii Magaalada Muqdisho oo maalmo ka hor u baxsaday Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qaabka uu uga duulay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Cabdi waal waxa uu sheegay in ka bixitaankiisa garoonka ay u fududeeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada DFS gaar ahaan kuwa ka howlgala Garoonka, waxa uuna sheegay in si nabad ah uga dhoofay garoonka isagoona Tilmaamay inuu xiligaani ku sugan yahay Gobolada dhexe.

Cabdi Nuure Siyaad oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in uu ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, waxa uuna Tilmaamay inuu taageersan yahay in Hubka leyska qaado balse uusan aaminsaneyn in xoog loo adeegsado.

Waxa uu ku baaqay in DFS ay la soo baxdo nidaam ka duwan kan ay iminka hubka ku uruurineyso.

Dhanka kale, Dhawaan ayey aheyd markii Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Guri uu Magaalada Muqdisho ka daganaa Hogaamiye Cabdi Nuure Siyaad,taas oo keentay in uu Magaalada Muqdisho ka baxsado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada