Xukuumada Soomaaliya oo ku dhawaaqday Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Xukuumada Soomaaliya oo ku dhawaaqday Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

daajis.com:-Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay inay xoog ku furi doonaan wadooyinka ay go’doomiyeen Al Shabaab ee udhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Beladweyne.

C/laahi Goodax Barre Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda, ayaa sheegay in ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay awood u adeegsan doonaan furitaanka wadooyinkaasi, si meesha looga saaro cunaqabateenta Shabaabka ay saareen Magaalooyinka ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay joogaan.

“Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowladda diyaar ayey u yihiin in Shacabka inay Dhibaatada ay ka dul qaadaan,xoog ayaa wadooyinkaasi ku fureynaa,Dadka Maalmo ha dulqaataan”ayuu yiri Goodax.

Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa sidoo kale sheegay inaan dulqaad dambe loo hayn Shabaabka go’doomiyay Magaalooyinka, iminkana uu biloowday howlgalka lagu furayo wadooyinka.

Mr Goodax ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada wado furista ah inay ka biloowdeen Gobalada Hiiraan, Gedo iyo Shabeelaha hoose oo intaba meelo dhexe ay ku jiraan Shabaabka Dowladda kasoo horjeeda.

Ujeedada wadooyinka loo furayo, ayaa waxa ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya Gobaladaasi ay gaarsiiso, gar gaar Bini’aadinimo, kadib markii shalay Xukuumadda ay la wareegtay raashin badan oo Imaaraadka Carabta Dowladda Soomaaliya uu ku wareejiyay.

Al Shabaab ayaa inta badan go’doomiyay Magaalooyinka ay joogaan ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay udiideen in gaadiidka sahayda wada ay galaan Magaalooyinkaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada