daajis.com:-Sidii aanu Horey u baahinay Dawlada Somaliya ayaa ku baaqday in shirkadaha doonaya inay shidaal ka baadhaan guud ahaanba dalka Soomaaliya ay ku joogaan sharci daro,isla markaana ka dacwaynayaan wadamadooda iyo golaha amaanka dhibaatona ku hayaan amaanka dalka, Sidoo kale dawlada Somaliya ayaa gaar ah uga hadashay shirkado yaryar oo maamulka Somaliland dhaqaale ku siiya shidaal baadhis taasi oo horseeday dhibaato iyo dagaal ka dhaca gobolka Sool sida ay sheegtay dawlada Soomaaliya.
Maamulka Somaliland oo arintaasi siwayn uga xumaaday ayaa soo saaray Warsaxaafadeed u muuqday Cay iyo Af-lagaado toos ah oo lagula Kacay madaxda Sare ee Dawalada Soomaaliya, Wasiirka Macdanta Iyo Batroolka oo deegaan ahaanba kasoo Jeeda Gobolka sool, iyadoona Maamul beeleedka Somaliland uu isku Sifeeyay Dawlad dhamaystiran, Halka dawlada Soomaaliyana uu Sheegay Maamul Taag daran, Hoos ka dhegayso warsaxafadeedka Cayda ah iyo ceebta dhacday.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:00 and have
, Published at