Madaxweynaha oo diidan xil ka qaadista lagu sameeyay Taliyaha Nabadsugida

Madaxweynaha oo diidan xil ka qaadista lagu sameeyay Taliyaha Nabadsugida

daajis.com:-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qancin xil ka qaadistii maanta lagu sameeyay Taliyihii Hay´adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Sida ay ku waramayaan xubno kaa tirsan xafiiska Madaxtooyada waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu ka hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyay Taliyaha Nabad Suggida Qaranka.

Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta, uuna shir gudoominaayay Ra'iisal Wasaaraha Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa codka kalsoonida loogu qaaday C/laahi Maxamed Cali, iyadoona ay Goluhu kalsoonida kala noqdeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa inuu si xoogan ugu horyimid tallaabada xilka looga qaaday Sanbaloolshe.

Sarkaal ka tirsan MAdaxtooyada oo diiday in magaciisa la faafiyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya uu xilligaan qabin in aan loo baahnayn, isbedel lagu sameeyo laamaha ammaanka iyo talisyada kale ee Ciidamada Dowladda, maadaama lagu jiro xili la filan karo weeraro looga aargudayo Hoggaamiyihii Al-shabaab ee la dilay.


Xil ka qaadista Sanbaloolshe, ayaa ka dhalatay hadalo ad adag oo ay shalay is weydaarsadeen isaga iyo Ra'iisal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Diinta & Awqaafta ee Xukuumada Somaliya Ridwaan Xersi Maxamed iyo wafdi wasiiro ah oo codsanayay in lasii daayo Xildhibaan Shiiraar oo Taliyuhu uu xabsiga dhigay.

Sanbaloolshe ayaa saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii Juun xilkani uu u magacaabay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada