Daawo Sawirada:- Qaahira oo lagu qabtay dood looga hadlay “ Soomaaliya Shalay iyo Maanta

Daawo Sawirada:- Qaahira oo lagu qabtay dood looga hadlay “ Soomaaliya Shalay iyo Maanta

daajis.com:-Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar ayaa kulan ballaaran iskugu yimid ayagoo ka dooday xaalada Soomaaliya Shalay iyo Maanta, Doodan oo ay soo qaban qaabiyeen Xisbiga Nabada iyo Horumarinta farciisa Qaahira.

Doodan uu marti ku ahaa Xoghaya Arimaha Gudaha Xisbiga Nabada iyo Horumarinta Sh. Yuusuf Xuseen Jimcaale  ayaa ka hadlay xaaladihii kala gedisnaa oo ay Soomaaliya  soo martay iyo heerka ey mareyso xaalada Soomaaliya asigoo tilmaamay in raja wanaagsan ay ka muuqato dalka   madaama dowladnimadii soo xoogeysanayso,  Sh Yuuf ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay kaalinta dhalinyarada wax baratay asigoona ka dalbaday iney dalka dib ugu laabtaan si ay ugu qeyb qaatan wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed .

Sidoo kale waxaa ka hadlay doodan Dr,Maxamed C/llaahi (Kutub) asigoo wax badan oo taariikhdii hore ay Soomaaliya soo martay ka sheekeeyay waxuuna tilmaamay in Soomaaliya dadkeedu ahaa reer guuraa ku dagaallama dallaga iyo biyaha dhaqankaasina uu sababay in dowladnimdii soo laabashadeeda ay qaadato waqti badan.

Aqoonyahanki ka soo qeyb galayay Doodan ayaa fikirkooda ka dhiibtay Mowduuca ayagoo qaar ka mida ay walwal ka muujiyeen mustaqbalka Soomaaliya iyo Dastuurka la rabo in dalka lagu hago kaasoo ay sheegeen in uu dhib hor leh dalka ka abuuray.

Waxey ka sheegeeyeen Federaalka in dadkii ay u fahmeen si qaldan oo ah in beeshii ku badan Goballada la isku darayo ay  ayadu leedahay inta kalane ay lamid noqonayaan dad aan u dhalan, taasina ay tahay caqabad hor leh oo dagaal beeleed horseedi karta, inkastoo qaar ka mida aqoon yahan ay amaaneen tallaabooyinka horumarka leh oo ay dowlada ku tillaabsatay sida xureynta goballada qaar laga xureeyay kooxihii nabad diidka ahaa iyo nabad soo celinta ka socota Caasimada.

Gabagabadii ayaa waxaa laga soo jeediyay tallooyin ah in  dadku dowladnimada taageeraan madaama aysan jirin dowladda wax ka gacan dheer oo deeqa umada Soomaaliyeed, sidoo kale waxey ku baaqeen aqoonyahan In dowladu hormuud ka noqoto dib u heshiisiinta qabiillada dagaalamaya oo dowlada dowrkeeda shacabku dareemaan kana shaqeyso isku keenida umada Soomaaliyeed. 







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada