daajis.com:-Kadib markii ay dawlada maraykanka oo garab ka helaysa dawlada soomaaliya ay sheegtay inay Dishey Hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa sidoo kale Arintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Madaxda dawlada soomaaliya, maamulada dalka iyo waliba wadamada Deriska La ah soomaliya kuwaasi ku sifeeyay guul usoo hoyatay Umada soomaaliyeed.
Dhinaca kale Maamulka Somaliland oo uu kasoo Jeediyey Hogaamiyaha Al-shabaab ayaa si cadho leh uga hadlay Dilkaasi Loo gaystay Axmed Cabdi godane, Iyagoona ka Xumaaday.
Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland oo la waydiiyey Mowqfika Somaliland ee ku aadan Dilka Axmed Godane ayaa Si cadho leh Wuxuu ugu Jawaabay “Adeer Anagu maraykan ma nihin, Meesha ay joogaana ma nihin, Waxba nagama Gelin dilkiisa”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:09 and have
, Published at