Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay maamul goboleedyada iyo shirkaddaha shidaalka

Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay maamul goboleedyada iyo shirkaddaha shidaalka

daajis.com:-Dowladda Federaalka Somalia ayaa digniin u jeedisay shirkaddaha sida sharci darada ah ugu howlan baarista shidaalka deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya, iyadoo ciddii lagu arkana ay Dowladdu sheegtay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.


Wasaaradda macdanta iyo batraalka Somalia ayaa sidoo kale ugu digtay maamul goboleedyada ka jira dalka inaysan geli karin heshiisyo ku saabsan wax soo saarka shidaalka, sidoo kalena waxaa looga digay shirkaddo sheeganaya lahaanshiyaha baro shidaal oo ku yaalla dalka.

Agaasimaha Qorsheynta iyo horumarinta Wasaaradda macdanta iyo Batroolka Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa ugu digay shirkadaha sheeganaya lahaanshiyaha baro shidaal oo ku yaalla dalka, isagoo xusay in Maamul goboleedyada dalka ka jira wax heshiis ah la geli karin shirkaddaha shidaalka.

“Waxaan ugu baaqaynaa in shirkadihii hore ee wixii ka horeeyay 1991-kii ee heshiiska la galay dowladii dhexe inay dalka ku soo laabtaan, kuwaasi oo aan qaarkood la kulanay mas’uuliyiin ka tirsan, laakiin shirkadaha cusub waxaa la farayaa in ay la soo xiriiraan Madaxda Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee Xukuumadda”. ayuu yiri Maxamed Cali Nuur.


Wasaaradda macdanta iyo batroolka ayaa genefka ku dhufatay in maamul goboleedyada dalka ka jira aysan wax heshiis ah la geli karin, isla markaana shirkaddii daneyneysa ay la soo xiriirto Wasaaradda ku shaqada leh iyadoo lasoo marayo wado sharciga waafaqsan.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa horay waxay heshiisyo ula galeen shirkaddo ajnabi ah inay deegaanada ay ka taliyaan ka baaraan shidaal, inkastoo shirkaddahaasi ay caqabado fara badan la kulmeen, qaarkoodna dalka isaga baxeen, kadib markii uu kordhay muranka ku saabsan sharci ahaanshaha heshiisyadaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada