DAAWO VIDEO:- Raadkii Shiicada oo lagu arkay Muqdisho

DAAWO VIDEO:- Raadkii Shiicada oo lagu arkay Muqdisho

daajis.com:-Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan waxaa kusoo badanayay howlaha mashaariicda ay ka fulineyso Hay'addo laga leeyahay dalka Iiraan, kuwaasi oo wata magacyo Wadaado caan ah oo Shiicada ay tixgeliyaan diin ahaan.

Xafladaha ay qabanayaan Hay'addahaasi ayaa waxaa kasoo dhex muuqda rag isugu jira dhalinyaro iyo Sheebab u labisan qaabka ay u labistaan Shiicada, waxaana la oran karaa waxaa Muqdisho kasoo muuqday raadkii Shiicada.

Imam Khomeini Reliƫf Foundation oo ah Hay'ad laga leeyahay dalka Iiraan ayaa ololaha gargaarka iyo horumarka bulshada ka bilowday Muqdisho, taasoo kulan ay u qabatay Haween lagu barayay xirfada gacanta ay kasoo dhex muuqdeen Rag Sheebab Soomaaliyeed ah oo guudka u xeran sidii Shiicada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA

Waxaa sidoo kale Muqdisho ka furan Safaaradda dalka Iiraan, taasoo ay soo maraan Hay'addaha samafalka ee ka yimaada Iiraan.

Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ku sugan Muqdisho ayaa farta ku goday howlaha samafalka ee ku hoos tuugan hay'addahaasi.

Dowladda Suudaan ayaa todobaadkan dalkeeda ka ceyrisay Diblumaasiyiin iyo shaqaale Hay'addo samafal oo dalkeeda ku faafinayay mad-habta Shiicada.

Ali Muhiaddin
Email: Muxiyaddiin@hotmail.com

Xigasho:- calanka

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada