Dowladda Soomaaliya oo ballan qaaday inay wax ka qabaneyso Baahida ka jirto Tiyeeglow

Dowladda Soomaaliya oo ballan qaaday inay wax ka qabaneyso Baahida ka jirto Tiyeeglow

daajis.com:-Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya mudane Cabdi Welli Sheikh Axmed Maxamed oo shalay safar ku tagay degmooyinka Tayeeglow iyo Baydhabo ayaa balanqaad u sameeyay shacabka iyo mas'uuiyiinta ku dhaqan degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool. 


Waxa uu ra’iisul wasaaraha  u balanqaaday shacab uu kula hadlay degmad Tayeeglow in degmadaasi dhawaan la gaarsiin doono ciidamo boolis iyo nabad sugid ah kuwaasi oo la doonayo inay amaanka waxka qabtaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in deegaanada gobolka ay tagi doonaan hayado kale oo dowlad aka tirsan, kuwaasi oo taageero buuxda u fidin doono shacabka ku dhibaateysan deegaanada gobolka Bakool.

Qaar kamid ah shacabkii dhankooda la hadlay wafdiga ra’iisul wasaaraha ee shalay tagay degmada Tayeeglow ayaa ka cabanayay abaaro ka jiro deegaanada hoostaga degmada oo ay ugu daran tahay biyo la’aanta.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, iyagoo soo ogaaday xaaladaha ka jira qaar kamid ah degmooyinka Baay iyo bakool.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada