daajis.com:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka Soomaaliya
 ee Midowga Afrika, Ambassador Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan ayaa lagu 
casuumay in uu ka hadlo Jaamacad Maraykanka ku taalla, wuxuuna ka 
warbixiyay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Danjire Axmed ayaa tilmaamay in xiriirka labada dal uu aad wanaagsan 
yahay isla markaana Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhawaan kala saxiixdeen 
heshiisyo 10 gaaraya kuwaasoo ay ku jiraan, arrimaha ciidamada, 
waxbarashadda, ganacsiga iyo hawada.
Wuxuu sheegay oo kale in labada dal ay yihiin kuwa xor ah, sidaas 
darteed ay lee yihiin dano isku mid ah iyo in ay ka shaqeeyaan siddii 
loo xoojin lahaa danahaas.
 Mar ka weydiiyay sidda uu arko xalka Afrika, wuxuu tilmaamay 
dhibaatada Afrika in ay xallin karto uun Afrikaanka oo meel kale aan 
laga raadin karin balse ay jiraan wax yaabo ay wadaagaan qaarada iyo 
caalamka oo dhan sidda la dagaallanka argagixisada.
Mar ka weydiiyay sidda uu arko xalka Afrika, wuxuu tilmaamay 
dhibaatada Afrika in ay xallin karto uun Afrikaanka oo meel kale aan 
laga raadin karin balse ay jiraan wax yaabo ay wadaagaan qaarada iyo 
caalamka oo dhan sidda la dagaallanka argagixisada.
Waxaa la weydiiyay bal in uu ka warramo qunsiliyadaha ay dalalka 
dariska ka furanayaan magaalooyinka qaar, wuxuu tilmaamay in ay wadaan 
qorshayaan ay qunsuliyad uga furanayaan magaalada Jigjiga maadama 
halkaas ay ku nool yihiin Soomaali badan.
Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay in dad badan oo Soomaali ah ay qabaan 
in madaxda Soomaalida looga yeero Addis Ababa, wuxuu arrintaas ku 
sifeeyay in labada wadan uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah isla 
markaana loo baahan yahay in ay arrintaas kala tashadaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:05 and have
            
 
 
 
 
 
 
