Golaha Wasiirada Puntland Oo Maanta ka shiray Xaaladaha Ammaan ee Koonfurta Soomaaliya kasoo kordhay.

Golaha Wasiirada Puntland Oo Maanta ka shiray Xaaladaha Ammaan ee Koonfurta Soomaaliya kasoo kordhay.

daajis.com:-Kalankii khamiis laha ahaa ee caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, ayaa Golaha Wasiiradu wax-saxaafadeed ay soo saareen waxaa ay uga hadleen labo arrimood oo kala ah, Xaaladaha Ammaanka ee Koonfurta Soomaaliya kasoo cusboonaaday iyo Xuduudaha Puntland iyo Sidii loo xakameyn lahaa Hubka Gudaha Puntland looga ganacsado, waxaana shirka gudoominayey Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas. 

War-saxaafadeedka oo labo Qodob ka koobnaa sidaan u qornaa:- 

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04 Sept 2014 waxaa xarunta Madaxtooyada ku shiray Golaha Wasiirada ee dowladda Puntland Shirkaas oo khamiis le'ah.

Iyadoo dood dheer iyo falaanqayn laga yeeshay xaaladaha dalka guud ahaan, ka dib waxaa kasoo baxay qodobadaan hoos ku qoran.

1:- Amniga, waxaa golaha wasiirada Dowladda Puntland maanta si adag loogaga hadlay amniga guud ee dalka, gaar ahaan waxa kasoo kordhay Koonfurta Soomaaliya iyo Amniga Puntland.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Dowladda Puntland waxay ka hadleen Ciidanka Nabadgalyada waddooyinka Puntland, ciidankaas oo u baahan tababaro aqooneed iyo kor u qaadida tayadooda ciidan.

2:- Xakameynta Hubka, Golaha Wasiirada Dowladda Puntland waxaa ka mid ahaa qodabada ay ka doodeen xakameynta ka ganacsiga Hubka Gudaha Puntland guud ahaan, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn iyo Suuqyada Madow ee ka ganacsiga Hubka, waxaana si buuxda loogu xil saaray in ay xog buuxda ka keenaan xubnaha kala ah.

Wasiirka Amniga 
Wasiirka Xanaanada Xoolaha
Wasiirka Arrimaha Gudaha
Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka

Islamarkaasina ay Golaha kusoo celiyaan warbixin goobaha iyo ganacsatada ka shaqeeya ka ganacsiga Hubka,si dowladdu ay tallaabo uga qaaddo.

Waa markii ugu horaysay ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ay isla soo hadal qaadaan Hubka Sida Sharci darrada ah loogu dhex ganacsado Magaalooyinka Puntland iyadoo ay jiraan xarumo hubka noocyadiisa kala duwan lagu iibiyo oo loo yaqaanno "Cirtoogtaha".

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada