Howlgalka Badweynta Hindiya oo ka bilowday Galgaduud iyo Al-Shabaab oo Deegaano Gobolkaasi katirsan ka baxay

Howlgalka Badweynta Hindiya oo ka bilowday Galgaduud iyo Al-Shabaab oo Deegaano Gobolkaasi katirsan ka baxay

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta Deegaano katirsan Gobolkaasi uu ka bilowday Howlgalkii loogu magac daray Badweynta Hidiya ay bilaabeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Dowlada Itoobiya iyo Ciidamo kale oo Soomaali ah ayaa ka baxay dhinaca Magaalada Dhuuso Mareeb waxa ayna ciidamadan ujeedkoodu yahay in ay isku furaan Wadooyinka xariiriya Dhuuso Mareeb iyo Ceel-buur.

Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamo katirsan Itoobiya oo iyagana kasoo baxay dhinaca Degmada Ceel-buur ayaa uruqaansaday deegaano katirsan Degmadaasi ay gacanta ku hayaan Dagaalyahanada dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay baneeyeen Deegaano ku dhaw dhaw Degmada Ceel-buur uu ku jiro Deegaanka lagu magacaabo Garable , waxaana lasoo sheegayaa Ciidamadii Shabaab ee halkaasi ka baxay in ay aadeen dhinaca Degmada Galhareeri.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Dhinaca Al-Shabaab iyo Ciidamada huwanta ah oo ku aadan Howlgalka la sheegay in uu maanta ka bilowday qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud oo la isugu furayo Degmada Ceel-buur iyo Dhuusomareeb.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada