Maamulka Puntland oo sheegay inay ka feejigan yihiin firxadka Alshabaab

Maamulka Puntland oo sheegay inay ka feejigan yihiin firxadka Alshabaab

daajis.com:-Maamulka Puntland ayaa mar kale ku celisay inay ka feejigan tahay ildheerna ay ku eegayso in firxadka Alshabaab ay soo galaan deegaanada Puntland

ka dib markii todobaadyadii la soo dhaafay laga qabsaday degmooyin ku yaal koonfurta iyo bartamaha dalka, sidoo kalana la dilay hogaamiyihii xarakada Alshabaab.

Wasiirka wasaaradda amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ku sheegay in hogaamiyihii Alshabaab ee dhawaa dawladda Maraykanka ay dishay uu ahaa danbiile biri-magaydo badan ku dilay Puntland, ha yeeshee wax casbsi ah aysan ka qabin Alshabaab ka dib baqdin ay muujiyeen dawladaha dariska oo ku aaddan aargoosi ay sameeyaan dhaqdhaqaaqa Alshabaab.
Alloore, ayaa tilmaamay in Puntland ciidankeeda ammaanka ay ku filan yihiin difaaca shacabka, isla markaana ay isku mid ugu toog hayaan xooggaga ka dagalaama buuraha Galgala iyo firxadka ka iman kara koonfurta.


Wasiirku ayaa dhanka kale waxaa uu carabka ku dhuftay in xukuumadda madaxweyne Gaas ay xoogga saarayso difaacca xuduudda gobolka Mudug taasina ay tusaale cad u tahay booqashooyin madaxda dawladda iyo xubno ka socda golayaasha dawladda marar badan ay ku yimaadeen magaalada Gaalkacyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada