M/weyne Xasan oo shir gudoomiyay shirka guddiga Amaanka Qaranka

M/weyne Xasan oo shir gudoomiyay shirka guddiga Amaanka Qaranka

daajis.com:-Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir gudoominayay shirka guddiga Amniga Qaranka oo muqdisho ka dhacay.

Kulankaan ay yeesheen guddiga Amniga Qaranka waxaa ka qayb galay ra’isul wasaaraha dalka mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, qaar ka mid ah golaha wasiirada, Taliyaasha ciidamada iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa waxaa maanta looga hadlay arimo ay  ka mid yihiin Amniga dalka, howlgalka loogu magacdaray Howlgalka Badweynta Hindiya ee lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo dilkii dhawaan loo geystay hogaamiyihii al-shabaab Axmed Godane.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh oo kulanka shir gudoominayay ayaa ugu horreyn ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uga hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen dagaallada ay ku ciribtirayaan maleeshiyaadka Shabaab.

Madaxweynaha dalka ayaana ciidanka xoogga dalka ku dhiiri geliyay inay sii wadaan dedaalkooda ku aadan ciribtirka maleeshiyaadka Shabaab, isagoona madaxweynaha dhanka kale laamaha amaanka ku amaanay sida wanaagsan ee ay u sugayaan amaanka dalka.


Xasan Sheekh maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii dhawaan loo geystay hogaamiyihii Ururka Al-shabaab Axmed Godane, waxana uu ku tilmaamay guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada