Wasiirka Kheyraadka Badda :- oo sheegey iney u diyaariyeeen Satellite Ilaaliya Maraakiibta sida sharci darada Ka kaluumeysada Badda Somalia.

Wasiirka Kheyraadka Badda :- oo sheegey iney u diyaariyeeen Satellite Ilaaliya Maraakiibta sida sharci darada Ka kaluumeysada Badda Somalia.

daajis.com:-Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ayaa maanta soo bandhigtay diyaarad ay ugu talogaleen in badda Soomaaliya ay ku soo sameyso howlo kormeer ah oo ku aadan maraakiibta iyo doonyaha sida sharci darrada ah uga qowleysanaya badda.

Diyaaradaan oo ah fish patrol ayaa waxaa mudo lix bil oo kiro ah la soo gashay Wasaaradda Kalluumeysiga oo kaashaneysa shirkad xagga ilaalinta kalluunka qaabilsan, waxaana diyaaradda shaqadeedu tahay in todobaadkii mar ay kormeer ku soo sameeyso maraakiibta, doonyaha sida sharci darrada uga kalluumeysanaya xeebaha Soomaaliya iyo kuwa badda ku shubaya haraadiga sunta.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamuud Colow Barrow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howsha kormeeka ee diyaaraddan ay wax badan ka badali doonto sida sharci darrada ah ee xeebaha dalka looga qowleyso, isagoo intaa ku daray in tani ay qeyb ka tahay qorshaha dowladdu uga aadan ilaalinta kheyraadka badda.

“Marka ay kormeerka soo sameyso diyaaradda waxa ay soo sawiri doontaa maraakiibta iyo calamada ay sitaan, intaas kaddib anagu caalamka ayaan dacwad u gudbineynaa si sharciga looga tiigsado milkiilayaasha maraakiibta iyo dowladaha laga leeyahay” ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Maxamuud Colow Barrow ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay qorsheyneyso in badda ay dhigaan qalab casri ah oo ku xiran satellite-ka, taasi oo u jeedkeedku yahay si loo badbaadiyo kheyraadka ku jira badda oo si sharci darrada ah loo guranayay in ka badan 23-sano
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada