Abaanduulaha ciidanka xooga dalka oo ka warbixiyay halka uu marayo howl galka Badweynta Hindiya

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka oo ka warbixiyay halka uu marayo howl galka Badweynta Hindiya

daajis.com:-Abaanduulaha Ciidanka xooga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa ka warbixiyay halka uu marayo howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab ee loogu magac daray Badweynta Hindiya, isagoo cadeeyay in howl galkan ujeedkiisa yahay in Al-Shabaab laga saaro guud ahaan dalka oo dhan.

Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay inuu si xowli ah ugu socdo howl galka badweynta Hindiya Gobolka Shabeelaha Dhexe, isagoo xaqiijiyay in deegaano badan ay la wareegeen ciidamada.

“Howl galka Badweynta Hindiya, wuxuu si xowli ah uga socdaa Gobolka Shabeelaha Dhexe, labadii maalmood u dambeysay waxay ciidamada xooga dalka iyo AMISOM la wareegeen deegaano badan oo ay ka mid tahay degmada Cadale”ayuu yiri Abaanduulaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Abaanduulaha in Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaano badan, markii ay u babac dhigi waayeen ciidamada xooga dalka iyo Al-Shabaab, waxaana uu xusay in deegaanada qaar ay si nabadoon kula wareegeen.

abaanduulaha
“Ciidamadu waxay labadii maalmood la wareegeen deegaanada kala ah Xaaji Cali, Caddow Uul, Koogaar, Masaajid Cali Gaduud iyo wargaadhi, waxaa markii hore aan cagta sii marinay Raagge Ceelle, haatana ciidamadu waxay sugayaan ammaanka degmada Cadale”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin deegaano muhiim ah oo Al-Shabaab 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada