Daawo: Amarka cusub ee DF: Qofkii ka yar 40 sano masoo geli karo Muqdisho

Daawo: Amarka cusub ee DF: Qofkii ka yar 40 sano masoo geli karo Muqdisho

daajis.com:-Amar ka soo baxay Wasaarada Amniga Qaranka Xukumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Adkeeysay Amaanka Magaalada Muqdisho islamarkana Dadka Da doodu ay ka yar tahay 40 Sano aysan magaalada soo gali karin Maalmaha Ciida.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo Muqdisho Shir Saxaafadeed ku qabtay ayaa sheegay in Kontoroolada Magaalada laga soo galo la dhigi doono Ciidamo la socda Soo galida Dadka ka imanaya Meelo ka baxsan Magaalada Muqdisho.

Maxamed Yuusuf Cusmaan oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee ciidamada amaniga ay sameeyeen xaafadaha Muqdisho gaar ahaan howlgalkii dhacay bishii Septembar.

Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay fashiliyaan 37 isku day weerar oo isugu jirtay dilal qorsheysan iyo qaraxyo kuwaas oo Al-Shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateyaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen 53 ka mid Al-Shabaab.



Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa af-hayeenka Wasaarada amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya wuxuu shaaca ka qaaday qaabka hay’adaha amniga ugu diyaargarowbeen sugida amniga maalmaha faraxada gaar ahaan ciida ee fooda nagu soo haya.
Wadooyinka magaalada Muqdisho ayuu sheegay in gabi ahaanka lagu gadaamayo Ciidamo fara badan oo suga amaanka lana socda dhaq dhaqaaqa dadka soo galaya Muqdisho.

Waxaana hay’adaha amaanka amaro ay ku bixiyeen in magalada Muqdsiho aysan soo gali Karin qof ka yar 40 sano inta lagu jiro maalmaha ciida Damiin la’aan si loo xaqiijiyo in dadka muslimiinta ah ay farxad ku gutaan maalmahooda farxadda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada