Baarlamaanka UK oo u codeyay in Falastiin loo aqoonsado dal..

Baarlamaanka UK oo u codeyay in Falastiin loo aqoonsado dal..

daajis.com:- Xubnaha Barlamaanka Britain ayaa si aqlabiyad ah waxay ugu codeyeen baaq ku aadanaa in xukuumada Britain ay aqoonsato Falastiin in ay noqoto dowlad.

Wasiirada dowladda ayaa ka gaabsaday in ay codkooda ka dhiibtaan mooshinka.

Hasayeshe natiijada ma aha mid wax ka badelaysa siyaasada Britain ee ku aadan aqoonsiga Falastiin, laakinse waa un astaan.

274 xildhibaan ayaa u codeyey mooshinka, halka 12 kalena ay diideen .

Weriyaha BBC-da ee arrimaha Britain ayaa sheegaya in natiijada ka soo baxday mooshinka ay ka turjumayso aragtida laga qabo Israa’il ee inta badan shacabka Yurub ay ka qabaan, arrintaas oo sii xoogeysatay horaantii sanadkan kaddib markii Israa’il ay weerar ku qaaday Qaza.


2012-kii Gollaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobe ayaa u codeeyey in uu sara u qaado heerka Falastiin ee Qaramada Midoobay waxaana loo ogolaaday in ay noqoto korjeego aanan xubin ka ahayn Qaramada Midoobe.

Xigasho: BBC/Somali

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada