Layaab:- 40 jir Yurub ka tegay oo Masjid ku dhex gowracay 20 jir degmada Kaaraan

Layaab:- 40 jir Yurub ka tegay oo Masjid ku dhex gowracay 20 jir degmada Kaaraan

daajis.com:- Dhacdo naxdin iyo argagax leh ayaa xalay ka dhacday degmada Kaaraan, kadib markii wiil dhalinyaro ah isagoo tukanayay Salaadii maqrib la gowracay, taasoo amakaag ku riday jameecadii masjidka ku tukunaysay Salaadii maqrib.

Falkani argagaxa leh ayaa waxaa geystay wiil kale oo la sheegay inuu ka tegay Yurub, isla markaana muran dhex marray labadooda sababtay in la gowraco wiilkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Axmed.

Jameecadii masjidka ku tukanayay ayaa markii falkani uu dhacay waxay noqdeen kuwo qeylo iyo amagaag salaada uga baxay. Wiilkan oo dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu sheegay Axmed ku jiray da’da 20-aad ayaa dhiganayay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho, wuxuuna caan ka ahaa degmada Kaaraan.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka ee degmada Kaaraan ayaa xaqiijiyay in ninka dilka geystay gacanta lagu dhigay, isagoo xusay in ninka wax gowracay uu ahaa nin maskaxiyan aanu wanaagsan.

“Dhacdadan waxay ka dhacday agagaarka masaajid ku yaal Kaaraan, ninka wax dilay ninka la dilayay ayay is maandhaafeen, ciidamada ammaanka ayaana gacanta ku dhigay, waxaa naloo sheegay in ninka falkan geystay inuu Yurub ka yimid maskaxdiisana aanay wanaagsan oo halkaas ayaa la leeyahay waa lagu soo duray”ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka degmada Kaaraan ee dhinaca Amniga Maxamed Ibraahim.

Sheekh Axmed Tuur Yare oo ka mid ah maamulka masaajidka C/raxmaan Bin Cowf oo ay dhacdadan naxdinta leh ka dhacday ayaa sheegay in wiilka la gowracay uu ku geeriyooday Isbitaalka Keysaney.


“Dhacdo layaab leh oo amakaag nagu riday ayaa xalay ka dhacday masaajid ku yaal xaafada Arjantiin, salaadii maqribka iyadoo lagu jiro ayaa waxaa dhacday yar axmed la yiraahdo oo safka hore ku jiro in nin mindi wata oo la sheegay inuu sanad ka hor Yurub ka yimid ayaa markii uu rakuucayay waxaa uu mindida uga gooyay meesha hore ee dhuunta hunguriga, markaas kadib wax salaada ka baxa, wax qeyliya, wax argagagax ayay noqdeen jameecadii masaajidka, wiilka asigoo dhiigaya ayaa loola cararay isbitaalka keysaney, halkaas ayuu ku geeriyooday”ayuu yiri Sheekh Axmed Tuur Yare oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Ninka falkan argagaxa geystay ayaa da’diisa u dhaxeysa 40-50 sano jir, waxaa la sheegay inuu dalka joogay muddo sanad ah. Falkani ayaa noqonaya mid ugub ku ah Muqdisho, iyadoo dadka degmada Kaaraan ay aad u hadal hayaan dhacdadani naxdin leh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada