Video: Koonfurta Itoobiya oo laga jecel yahay dumarka sidaan ah+Sawirro

Video: Koonfurta Itoobiya oo laga jecel yahay dumarka sidaan ah+Sawirro

daajis.com:- Sawir Qaade filimada Australia u dhashay ayaa soo qaaday sawiro iyo video uu ku tilmaamay qurux qadiimi ah oo ragga ku nool koonfurta Itoobiya aysan guursan Haweeney aan sida haweeneydan oo kale u furuuryo weyneyn.

Filim qaadahan iyo inta daawatay ee uu u soo bandhigay muuqaalka Haweeney Itoobiyaan ah oo ku nool Koonfurta dalkaasi, oo leh qiyaas dhan dibinta ugu weyn caalamka oo ku dhawaad ​​60cm – taas oo xitaa dadka tuuladuay kula nooshay ay la fajaceen weynaanteeda.

Koox film sameeyeyaal Australian ah oo uu hogaaminayo sawir qaade Abrahem Joffe oo booqday koonfurta Itoobiya ayaa waxay ku turunturoodeen deegaanka Taye Eligidagne,  markii ay arkeen haweeneydaan oo oo la fajacay faruuryaheeda, waxayna kasoo qaadeen muuqaalkaan. 

Calaamadan ay dumarka Koonfurta Itoobiya ku nool isku sameeyaan waa dhaqan soo jireen ah laga soo bilaabo 1896, iyo hab soo jiita ninka guur doonka ah, haweeneydii aan laheyna lama guursado deegaankaasi.

Dowladda Itoobiya ayaa maara u weyday joojinta dhaqankan oo ay isku dayday in ma mamnuuco, waxayna markii danbe faraha kala baxday in ay culeys ku saarto dadka joojinta hab dhaqankaan soo jireenka ah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada