Beel taageertay wareegtadii lagu magacaabay guddoomiye ku xigeenada gobolka Sh/dhexe +Sawiro

Beel taageertay wareegtadii lagu magacaabay guddoomiye ku xigeenada gobolka Sh/dhexe +Sawiro

daajis.com:- Mid ka mid ah beelaha dega gobolka Sh/dhexe ayaa taageertay wareegto uu ku soo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax Barre afar guddoomiye ku xigeen.

Kulan ay ka soo qeybgaleen odayaal,waxgarad,dhalinyaro iyo haween ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa waxa ay ku taageereen dhamaystirka guddoomiye ku xigeenada gobolka Sh/dhexe oo lagu dhamaystirey maamulka gobolka Sh/dhexe.

Xuseen Maxamed Jimcaale Daamey ayaa sheegay in beesha Xawaadle ay ka mid tahay beelaha degan gobolka Sh/dhexe ayna ka xun yihiin in lagu tilmaamo in aysan xubin ku yeelan karin mas’uuliyiinta gobolka Sh/dhexe.

“Waxaan taageersanahay dowlada mar walbana taageersanahay mana rabno in qaab qabiil ah wax walba lagu qeyliyo qabiilna qaran noqon maayo.”ayuu yiri Xuseen Maxamed Jimcaale.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadashay Mako Fanaxley oo ku hadlaysay magaca ururka haweenka sheegtay in deris ay wada yihiin dadka wada dega gobolka Sh/dhexe.

“Waxaan aan ku raacsanahay dowlada wax walba oo ay soo magacaabaan ku xigeenadii horena kuma jirin beesheena kamana soo horjeesan waxaana la ogyahay in uu guddoomiyaha degmada Jowhar xilliyadii lixdameeyadii uu ahaa Geedi Santuur.”ayay tiri Mako Xasan.

Shalay ayaa mid ka mid ah beelaha dega gobolka sh/dhexe waxa ay ku qabteen magaalada Jowhar kulan ay ugaga soo horjeedaan wareegto ka soo baxday wasiirka arrimaha gudaha Dowlada Federalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada