Booliska Uganda oo dhexda u galay warar ay isu dirayeen Alqaacidada Uganda iyo tan Waqoyiga Africa

Booliska Uganda oo dhexda u galay warar ay isu dirayeen Alqaacidada Uganda iyo tan Waqoyiga Africa

daajis.com:- Qeybaha ammaanka u qaabilsan dalka Uganda ayaa sheegay in ay dhegeysteen unug Alqacida ka mid ah ee ku sugan dalka Uganda iyo Alqaacidada Waqoyiga Africa warar ay isu dirayeen kuwaasoo loogaga hadlayay sidii loo weerari lahaa xabsi ku yaal Uganda kaasoo ay ku xiran yihiin rag loo haysto qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay 11July 2010 magaalada Kampala.

Warkan ayaa laga soo xigtay taliyaha ciidamada Booliska Uganda Gen, Kale Kayihura oo xarunta ciidamada Booliska Naguru maanta ku qabtay shir jaraa’id. “Unug ka tirsan Al qaacida ee ka dhisan dalka Uganda ayaa waxa ay ka codsanayeen Alqaacidada Maqrib in gacan laga siiyo sidii ay u weerari lahaayeen xabsiga Luzira oo ay ku xiran yihiin siddeed ruux oo loo haysto inay ka dambeeyeen qaraxyadii mataanaha ahaa ee ay ku dhinteen 84 ruux.”ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska dalka Uganda.

Siddeedan ruux ee ku jira xabsiga Luzira ayaa waxa ay u kala dhasheen wadamada Kenya iyo Tanzania waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Omar Awadh Omar, Hussein Hassan Agade, Mohamed Adan Abdow, Idris Magondu, Mohammad Hamid Suleiman, Yahya Suleiman, Mbuthia iyo Habib Suleiman Njoroge waxayna sugayaan in maxkamad la horgeeyo.

Sidoo kale waxaa ku xiran xabsiyada dalka Uganda toban ruux oo sagaal ka mid ah ay yihiin Soomali halka midka kalana uu yahay Kenyan. Dadkan ayaa loo haystaa inay ka tirsan yihiin ururada argagaxisada waxaana maxkamad ay amartay in baaritaan lagu sameeyo.

Sagaalka ruux ee Soomaalida ah ayaa 2 kamid ah waxa ay yihiin gabdho Soomaali ah oo loo haysto inay xubno ka yihiin ururka Alshabaab waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Hodon Axmed oo 23 jir ah iyo Yasmin Abdullahi oo 20 jir ah.

Magacyada ragga ayaa kala ah Mohamad Abdulkadir, 31, Abdi Abdullahi, 26, Hassan Abduwali, 25, Mahamed Ahmed, 23,Yusuf Osman, 29, Abdi Mahamed, 29, Abdul Kadir, 24 and Mohamad Yusuf, waxana maxkamad la keeni doonaa dadkan loo haysto argagaxisada October 7.

Taliyaha ciidamada Booliska dalka Uganda ayaa codsaday in wax laga bedelo dastuurka dalka Uganda oo qoraya in qofka aan lagu hayn karin wax ka badan 48 saacadood saldhig boolis ayna tahay in maxkamad la horgeeyo. Waxana uu taliyuhu sheegay in ay u baahan yihiin waqti dheer oo ay ku baaraan dadka ay ku tuhunsan yihiin in ay ka mid yihiin ururka Alshabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada