Cali Khaliif Galeyr oo Itoobiya laga masaafuriyay

Cali Khaliif Galeyr oo Itoobiya laga masaafuriyay

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Khaatuma, Cali khaliif Galeyr ayaa laga masaafuriyay magaalada magaalada Addis Ababa oo uu ku sugnaa maalmahan, kadib markii Dowladda Itoobiya ay ku wargelisay in ay ka masaafurineyso dalkeeda.

Wararka laga helayo Addis Ababa ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay ku amartay Cali Khaliif Galeyr in dalkeeda uu isaga baxo sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo aan la ogeyn ficilkaasi lagula dhaqmay sida uu ku yimid iyo sababta dhalisay intaba.

galeyr1Hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulada Somaliland iyo Puntland ay ka gudbiyen ashtako, una arkay caqabad soo wajahday maamuladooda.

Somaliland ayaa horay dagaallo ula gashay kooxda uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galeyr ee maamulka Khaatumo, oo loogu doortay deegaanka Saax-dheer Madaxweynaha maamulkaasi, iyadoo xiligii doorashadaasi ay dhaceysay Somaliland weerar ku qaaday.


Wixii kusoo kordha wararkaani dib ayaa idinkugu soo faah faahin doonaa wararkeena danbe, hadduu alle idmo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada