Video:- Weerar hubeysan oo lagu qaaday baarlamaanka Canada

Video:- Weerar hubeysan oo lagu qaaday baarlamaanka Canada

daajis.com:- Nin hubeysan ayaa weerar ku qaaday xarunta Baarlamanka dalka Canada ee magaalada Ottawa, waxaana uu toogtay askari ka tirsan ciidamada amaanka,, dad kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadibna wuxuu gudaha u galay xarunta Baarlamaanka.

Ciidamada Booliska iyo ninkan ayaa rasaas dhex martay, waxaana ay arintani ay noqotay mid cabsi gelisay dadka ka ag-dhawaa xarunta Baarlamaanka oo mudo daqiiqado ah ay ka socotay rasaas fara badan. Waxaana la sheegay in weerarkaan u ahaa mid qorsheysan oo ay ka qeyb qaadanayeen kooxo wajiyada soo duubtay.

Alifle Kevin Vickers oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa toogtay ninka weerarkaan geystay, waxaana sidoo kale jira weerar kale oo ka dhacay dhismo laga dukaameyso oo isla caasimada Ottawa.
Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa sheegay in weerarkaan uu ahaa mid wajiyo badan, isla markaana ilaa Sedax meel ka dhaceen weerarkaan. Waxaana soo afjaradiisa ka qeyb qaatay gawaarida gaashaam iyo ciidamada kala duwan ee Canada.

Xiliga weerarka uu dhacayay ayaa waxaa xarunta Baarlamaanka Canada ee Ottawa shir ku lahaa Ra’iisul Wasaaraha Canada Stephen Harper iyo Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka. Waxaana si nabad ah looga bixiyay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana Xildhibaanada ku sugnaa xarunta la faray in ay xafiisyadooda albaabadooda hoos ka soo xertaan.


Askariga la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Michael Zehef-Bibeau oo 32 sano jir ahaa, iyadoo Booliska ay shir jaraa’id qabteen ku sheegeen in kooxo kale oo hubeysan looga shakisan yahay weerarkaan in ay qeyb ku lahaayeen, iyadoo la arkay nin ku labisnaa jaakad iyo cimaamad nooca Carabta laga isticmaalo.

Booliska wax faah faahin dheeri ah ma bixin, hase ahaatee dib ayey ka soo faah faahin doonaan weerarkaan iyo cida loo qabtay.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada