Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Brundi oo la kulmay R/Wasaaraha Somalia

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Brundi oo la kulmay R/Wasaaraha Somalia

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa magaalada Bujumbura kula kulmay Madaxweynaha Burundi,  Pierre Nkurunziza, ku-xigeenkiisa, Prosper Bazombanza iyo xubno ka tirsan Xukuumadda oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo  Gaashaandhiga.

Labada dhinac ayaa waxaa laga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dawladood iyadoo Ciidamada Burundi ay qayb ka yihiin ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ee AMISOM oo ka gacan siiya dawladda Soomaaliya soo celinta amniga iyo xasiloonida .

Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulamada uu la qaatay madaxdan ku wehelinayey Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Burci Maxamed Xamza, Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga , Maxamed Cali Xagaa iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Burundi, Abshir Xasan Abshir.yuulka-brundi-5“Waxaan sii xoojinaynaa xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Brundi iyo Somalia, waxaan la wada soconaa in ciidamada Burundi oo qayb ka ah AMISOM ay naftooda u hureen sidii dib loogu soo celin lahaa sharaftii iyo dawladnimadii Soomaaliya iyagoo ku taageeray dawladda in ka badan 5000 oo ciidan ah, laguna xasuusan doono in ay kaalin muhiim ah uga jiraan dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay in aan ka wada hadalnay madaxda Burundi sidii labada dawladood ay isaga kaashan lahaayeen arrimo ay kamid yihiin Maalgashiga, waxaana kusoo dhoweynaynaa ganacsata dalkan in ay ka qayb-qaadataan maalgashiga Soomaaliya  xilligan mar haddii    amnigu uu soo hagaagay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Dawladda Burundi waxaa ay ka wada hadleen eedaynta hay’adda Human Rights Watch ee la xiriirta in Ciidanka AMISOM ay furaxumayn u gaysteen dumar Soomaaliyeed iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay in dawladiisu ay arintaasi walaac ka qabto, waxaana dawladda Burundi ay balan qaaday in dhowaan ay Soomaaliya usoo diri doonto guddi ka qayb qaata baaritaanka la xiriira eedayntaasi oo la shaqayn doona dawladda Soomaaliya.yuulka-brundi-2“Waxaan aad uga faraxsanahay horumaradda  ka jira dalka Soomaaliya iyo horumaradda kala duwan ee muuqda. Waxaan sii xoojin doonnaa taageerada aan siinayno walaaleheena Soomaaliyeed si ay usoo noqoto kala danbayntii. Dalkan Burundi waxaa uu soo maray dhibaatooyin dhib badan, maantana waxaan ku talaabsana horumarro aad u badan. Waxa hadda noo muuqdana waa in Soomaaliya ay ka gudubtay dhibaatooyinkii horay u gaaray oo meel fiican ay ku socoto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Burundi…



Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqday qaar kamid ah Warshadaha dalkan si uu ugu kuuragalo horumaradda kala gadisan ee dalka Burundi uu hiigsanayo, isagoo dhanka kalana la kulmay xubno ka socda ganacsatada dalka Burundi oo uu ku dhiirigaliyay in ay yimaadaan soomaaliya oo ay ka qaybgalaan maalgashiga.  


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada