Daawo Video+Sawirro:- Wiil xubintiisa taranka Sakiin isaga jaray Muqdisho.

Daawo Video+Sawirro:- Wiil xubintiisa taranka Sakiin isaga jaray Muqdisho.

daajis.com:- Arin ugub ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii wiil lagu magacaabo Saalim Bile Xersi oo 22 sano jir ah uu iska jaray xubintiisa taranka, kadib markii uu u dul qaadan waayay jiro sababtay in qeybta danbe ee jirkiisa ka dhimatay dareenka, go´aansadayna in uu sakiin isaga jaro xubintiisa taranka.

Ardo Cabdullaahi Colaad oo ah hooyada dhashay Saalim ayaa sheegtay in shalay uu uu iska jaray wiilkeeda xubinta taranka, isagoo caruur guriga la joogtay u dirsaday Sakiin, markii ay u keeneena uu ruf iska siiyay.

Waxay sheegtay in mudo sanad iyo bar ah qeybta danbe ee jirkiisa wax dareen ah uusan ku haysan, taasoo welwel iyo nolosha u xaraareysay, maadaama aysan awoodin in ay daaweyn u helaan.mucjiso-xubin-taran

`Xaaladda aan ku jiro awgeed, hooyadey ma seexato, ma haysano cid na kaalmeyso, go´aankaana wuxuu ahaa mid maskaxdeyda i tustay haddaan iska gooyo inaan aduunyada ka tegayo, oo sheydaan ayaa ila taliyay`ayuu yiri Saalim oo xaaladiisa iyo miirkiisa taam yahay.

Wuxuu sheegay in arrimo dhaqaale xumo iyo welwel jirada darteed in uu go´aankaan uu u qaatay, isagoo cidna aan kala tashan go´aanka uu isaga gooyay xubintiisa taranka.


Waa dhacdo ugub ah oo qofkii uu maqlo la yaab iyo fajaciso ku noqoneyso, waxayna dhacdadani naxdin ku abuurtay dad badan oo ku nool magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada