Daawo Sawirada:- Wasiiro la kulmay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya.

Daawo Sawirada:- Wasiiro la kulmay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya.

daajis.com:- Wasiirka Amniga Qaranka ee Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg, oo uu wehliyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ayaa waxay la kulmeen Safiirka dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Amb. Andreas Peschke, iyadoo ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo xoojintiisa.

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Ra´iisul Wasaaraha ee ku yaal Madaxtooyada, waxaana markii uu soo idlaaday Warbaahinta ugu warbixiyay Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga  Saciid Cabdullaahi Dani oo sheegay in Dowladda Jarmalka ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato horumarka ka socda dalka.

“Maalgashi caalami ah iyo xiriir caalami ah ayaa Soomaaliya dib ugu soo noqday waana inaan fursadahaas ka faa’iideysanaa oo aan caalamka tusinaa in ay Soomaaliya nabad tahay oo la maalgeshan karo, si dhalinyaradeenna ay u helaan fursado shaqo oo muhiim u ah horumarka dalka, dowladda Jarmalka waxay dalka ka fulin doontaa mashaariic badan oo waxtar leh” ayuu yiri Wasiirka.

Dowladda Jarmalka ayaa Saaxiib dhow la aheyd Somalia berisamaadkii, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka hirgelisay goobo waxbarasho iyo dhismooyin taariikhi ah.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada