Sawirro: Meydad la garan la’ yahay oo buuxa goobta uu caawa Qaraxa ka dhacay.

Sawirro: Meydad la garan la’ yahay oo buuxa goobta uu caawa Qaraxa ka dhacay.

daajis.com:- Warar dheeraad ah oo laga helaayo Xaafada Fiyooraha ee Degmada Wartanabada kana soo horjeeda Barxada Xarunta Iskaashatooyinka gaadiidka ayaa sheegaya in halkaasi ay yaalaan Meydad farabadan oo la garan la’yahay muuqaalkooda.

Meydadkaani la garan la’ yahay ayaa la sheegayaa inay kamid ahaayen dadkii ku fiidsanaayay Baarka Caawa uu qaraxa ka dhacay.

Sidoo kale, Meydadka ayaa la dhigay Xaafada Fiyooraha kuwaas oo aysan jirin Cid Aqoonsatay ilaa hada,sida ay Noo Xaqiijiyeen Dadka Xaafadaasi.

Meyayka ayaa u badan Carruur iyo dhalinyaro goobta ku fiidsaneysay waxaana la Tilmaamayaa in Carruurtaasi uu kamid ahaa Wiil uu dhalay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Cabdi Dhuux.

Dadka Qaraxa ku dhaawacmay ayaa waxaa sidoo kale, kamid ahaa Wiil uu dhalay Fanaanka Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame.

Dhanka kale, Khasaaraha dhimasho ee Qaraxa ayaa waxa uu kor u dhaafayaa ilaa Lix, halka dhaawacana uu gaarayo 12.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada