Al-Shabaab oo dagaal culus kula wareegtay Jaziirada Kudhaa

Al-Shabaab oo dagaal culus kula wareegtay Jaziirada Kudhaa

daajis.com:- Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa maanta ka dhacay Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo todobaadkii hore ay la wareegeen Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba.

Wararka laga helayao Jasiirada Kudhaa ayaa sheegaya in Xoogaga Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen Kudhaa, kadib markii ay saakay dagaal culus ku qaadeen., waxaana la sheegayaa in Labaatameeyo u badan ciidamada Maamulka KMG ee Juba in ay ku dhinteen.

Ciidamada Maamulka Jubba oo laga saaray deegaanka ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin Jaziirada Ma-dhawa oo aan sidaa uga fogeyn deegaanka Kudhaa, waxaana la soo sheegayaa in isgaarsiinta deegaanka ay hawada ka maqan tahay.

shabaab-kudhaaWararka ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubba ayaa doon ku baxsaday, markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Kudhaa oo ah jaziirad istiraatiiji ah.

War lagu soo qoray bogaha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in boqolaal ka tirsan dagaalyahanada Shabaab ay saakay waabarigii hore ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Jaziirada Kudhaa.


Al-Shabaab ayaa sheegay in ilaa afartameeyo ka tirsan ciidamada Jubba ay ku dileen dagaalka, waxaana intaa ku dareen in dooni ay ku baxsadeen ciidamada Jubba ay ku qalibantay badda dhexdeeda.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubba oo ku aadan dagaalka iyo qasaaraha ka dhashay dagaalkii cuslaa ee maanta Al-Shabaab kula wareegeen Jaziirada Kudhaa.

Jaziirada Kudhaa ayaa ilaa 100-KM u jirta magaalada Kismaayo, waxaana deegaankaas uu ka mid ahaa meelihii u dambeeyay ee dhowaan Al-Shabaab lagala wareegay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada