Xildhibaanada Somalia:- Macaash raadis shacabka madala

Xildhibaanada Somalia:- Macaash raadis shacabka madala

daajis.com:- Awooda is xukunka waa mid ka bilaabato kuna dhamaato shacabka, iyagoo adeegsanaya hay’addaha sharci dejinta ee golaha wakiilada (Baarlamaanka oo ka wakiil ah shacabka), hase ahaatee, waxaa dad badan isweydiinayaan yaa xubnaha Baarlamaanka kula xisaabtamaaya ku xadgudubka dastuurkii ay isla iyaga ansixiyeen?.

Ku-xadgudubka iyo ku tumashada qawaaniintii dalka u yaal ee kala hagayay Madaxda iyo shacabka ayaa qof walba oo mas’uul ah siduu doono u adeegsadaa, mar walba, gaar ahaan marka uu bilowdo khilaafyada, sida kan hadda u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra; iisul Wasaaraha.

Baarlamaanka oo ah hay’addii sharci dejinta, ee marka khilaaf iyo dhibaato dhacdo loo noqonayay ayaa, waxaa muuqan Mas’uuliyaddii saarneyd ee shacabka ka sugayay inaysan kasoo bixin xilkii loo igmaday ay ku madalayeen shacabka, una dhaarteen.

dhaarin-xildhibaanoWaxyaabaha la yaabka leh ee Baarlamaanka Somalia lagu arkay waxaa ka mid ah haddii baarlamaanka la soo hordhigo hindise sharciyeed aad muhiim u ah, waxaa adkaanayso in kooramka fadhiga la helo, qaar wey u gooyaan kuwa kalena marka ay maqlaan ajandaha fadhiga ayay isaga baxaan hase yeshee mooshinkaan oo kale ee maalmahan xildhibaanada qaar wareejinayeen marka uu jiro dhammaan xildhibaanada waa xaadir!.

Tusaale xeerkii ugu dambeeeyay ee xildhibaanada ansaxiyeen todobaadkii hore ( Heshiiskii Somalia iyo Italy) waxaa fadhiyay 143 xildhibaan, hadana waxaa lagu leeyahay 140 xildhibaan ayaa mooshin ka keenay RW halka in ka badan 100 ay diidan yihiin xagee ka imaadeen tirada intaas la eg?, maxaase keenay inay soo xaadiri waayaan kulamada kale ee muhiimka ah loogana hadlayo hindise sharciyeedyada muhiimka ah?.

Taasi waxay muujineysaa in xildhibaanada ka macaashaan muranada iyo  mooshinada, waxayna xaqiiq u tahay war murtiyeedkii Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay uu kasoo saaray hab dhaqanka foosha xun ee Xildhibaanada calooshood u shaqeystayaasha ah, ee fiiriya jeebkooda.

Waxaa intaas dheer in Xildhibaano 100 ku dhow oo dalka aanba ku sugneyn inta badan, kuwaasi oo mushaarkooda si qabow ku qaata, marka uu mooshin noocaan oo kale ahna yimaado ay dib ugu laabtaan Muqdisho si ay ugu macaashaan.

Waxayse dadka Soomaaliyeed isweydiinayaan Mudanayaasha Baarlamaanka ee hab-dhaqankan ku dhisan ka macaashka mooshin keenaha, yaa kula xisaabtami doona dastuurka ay ansixiyeen?.

Ali Muhiaddin Ali

Email: Muxiyaddiin@hotmail.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada