Juan Mata Oo Guul Muhiin Ah Ku Hogaamiyay Manchester United, Xili Ay Old Trafford ku Garaacday Crystal Palace

Juan Mata Oo Guul Muhiin Ah Ku Hogaamiyay Manchester United, Xili Ay Old Trafford ku Garaacday Crystal Palace

daajis.com:- Man United ayaa guul muhiim ah gurigeeda  kaga gaadhay kooxda Crystal Palace, Juan Mata ayaa guul ay uqalantay ku hogaamiyay Man United. United ayaana guushan iskaga maydhay guul daradii  ka soo  gaadhay Man City.

Kooxda Manchester United ayaa gurigeeda Old Trafford ku soo dhawaysay kooxda Crystal Palace, waxayna Man United niyada ku haysay muhiimada uu kulankani u leeyhay kadib guul daradii Manchester derbi ee todobaadkii hore ka soo gaadhay kooxda ay jaarka yihiin ee Man City.Man United ayayna ka go’nayd inay gurigeeda guul kaga gaadho Kooxdan Crystal Palace.

Kulanka ayaana ku bilaamay Man United oo weerar badan ku soo qaadaysa goolka C.Palace halka ay Crystal Palace ay doonaysay inay difaac iyo weerar deg deg ah ku ciyaaro. Man United  ayaa  kalsooni wayn ku qabtay inay natiijo fiican ka keeni karto Crystal Palace kadib markii ay 10 kulan oo ay wada ciyaareen horyaalka ayna hal kulan ka badinin.

Luke Shaw ayaa daqiiqadii 28 aad ku sigtay inuu kooxdiisa United hogaanka u dhiibo kadib markii inta uu kubbad la soo dhex orday kooxda C.Palace uu kubbad xoog ah ku darbeeyay goolhaye Speroni, balse goolhayaha ayaa fursadaa ka badbaadiyay. ugu danbayn qaynti hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

qaybtii hore ee ciyaarta ayay Man United aad ugu gacan saraysay, waxayna samaysay 8 bartilmaameed halka Crystal Palace ay samaysay hal bartil maadeed oo kaliya.  in kasta oo ay United qaybtii hore ee ciyaarta fiicnayd ayuu haddana  Januzaj ku guul daraystay inuu u ciyaaro qaabkuu uu Van Gaal doonayay .


Markii layskugu soo laabay qayabtii danbe ee ciyaarta ayay Man United halkii ka sii waday qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay qaybtii hore ee ciyaarta ay soo bandhigtay. Van Gaal ayaa ciyaarta badal ku soo galiyay Juan Mata  wuxuuna ciyaarta ka saaray Adnan Januzaj oo qaab ciyaareed liita soo bandhigay qaybtii hore ee ciyaarta.

Juan Mata ayaana kooxdiisa culayska ka fujiyay daqiiqadii 67 kadib markii uu goolka furitaanka u dhaliyay. Mata ayaana kubbad uu ka helay  Ángel Di María kooxdiisa ugu dhaliyay goolkaas, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Man United hogaanka kula wareegtay. Mata ayaa xerada ganaaxa ka baxsanaa wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay gool aad iyo aad uqurux badan.Mata

Di Maria ayaa kooxdiisa Man United xili ciyaareedkan u dhaliyay 3 gool balse wuxuu ka caawiyay inay United dhaliso 6 gool taas oo muujinaysa qaab ciyaareedka fiican ee uu ku bilawday horyaalka Ingiriiska.Di Maria

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1:0 ay guul ku gaadhay kooxda Man United.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada