Ciidamada nabadsugidda oo la wareegay guri khamri iyo daroogo lagu sameynayay

Ciidamada nabadsugidda oo la wareegay guri khamri iyo daroogo lagu sameynayay

daajis.com:- Guri ku yaal degmada Kaxda islamarkaana lagu sameyn jiray walxaha maanka dooriya ayaa waxaa maanta galay oo la wareegay ciidamada nabadsugidda qaranka kuwaas oo saakay bartilmaameedsaday.


Ciidamada ayaa waxaa ay howlgalkan u kaashadeen maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kuwaas oo soo dhaweeyay howlgalka maanta laga sameeyay degmadooda ee lagula dirirayo waxyaabaha amnidarrada dhiirigelinaya.

Waxaa howlgalkani lagu soo qabtay fuustooyin ay ku jiraan khamriga mac-malka ah iyo agabka laga sameeyo, iyadoona la qabtay dad markaasi ku gudo jiray iyo kuwa maamulka goobtaasi lahaa, sida uu xaqiijiyay maamulka degmada Kaxda.

Sidoo kale giriga ayaa waxaa laga soo qabtay daroogada loo yaqaan xashiiska ee sigaar ahaanta loo cabo.


Ma ahan markii ugu horeysay ee la bartilmaameedsado goobo lagu farsameeyo waxyaabaha maanka dooriya ee ku yaal gudaha gobolka Banaadir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada