Jawaari oo Maanta Xildhibaanada Baarlamana Amar Dul Dhigay

Jawaari oo Maanta Xildhibaanada Baarlamana Amar Dul Dhigay

daajis.com:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof ,Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa Hooygiisa Magaalada Muqdisho maanta kula Kulmay Xildhibaanada Taageersan Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda C/wali Sheikh Axmed Maxamed,isagoona ka dhageeystay Dhaliil ku aadan Mooshin laga Gudbiyay Wasiirka ka 1-aad Ee Xukumadda.

Xildhibaanadii ka hor hadlay Gudoomiyaha ayaa ku wargaliyay in Gacan ka hadal uu ka dhici doono Xarunta Baarlamaanka hadii Mooshinkaasi Baarlamaanka la horkeeno,iyadoona Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ka Codsaday in la joojiyo Mooshinkaas.

Dhanka kale  Gudoomiyaha ayaa la Kulmay Xilhibaanada ku fakarka ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud islamarkaana wada  Mooshinka ka dhanka ah Xukumadda Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ,waxaana ay  Gudoomiyaha kula taliyay in uusan ka Tilaabsan Sharciga Baarlamaanka, Tilaabadoodana aysan qaldaneyn.


Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan ayaa Xildhibaanada kala Taageersan Labada Mas’uul ku Amray in ay Faraha kala baxaan Khilaafka u dhaxeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha islamarkaana ay gutaan Waajibaadka saaran.

Maalmihii danbe Kulamada Barlamanka ayaa u baaqanayay Khilaafka Madaxda iyo Mash’quulka Xildhibaanada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada