Daawo Film Hollywood oo Jilayaal Soomaaliyeed ay jileen: Full Movie

Daawo Film Hollywood oo Jilayaal Soomaaliyeed ay jileen: Full Movie

daajis.com:- Waxaa Todobaadyadii lasoo dhaafay Shineemooyinka dalka Mareykanka laga daawaday Film cusub oo Jilayaal Soomaaliyeed ay jilayeen, kaasoo laga madalay dhibaatooyinka dhalinyarada Soomaaliyeed ee maskaxda looga xaday hadey ahaan laheyd burcad badeed, afduubka iyo arrimaha kale ee amaan daro.

Jilayaasha Soomaaliyeed oo qeyb libaax leh ka qaatay filmkan ayaa waxay ku jilayaan diyaarad Mareykan ah oo ay ka afduubanayaan jasiiradda Seychelles. Waxayna dowladda Mareykanka ku weydiisanayaan lacag madax furasho ah.
Film-kan oo lagu magacaabo Default, kaasoo Todobaadyadii u danbeeyay laga wada daawaday shineemooyinka Mareykanka.



Hakeem Shady iyo Abshir Maxamed Xasan `Abaadir`, waa labada wiil ee Soomaaliga ah ee filmkan jilaya, iyagoo ku hadlaya luuqada afka Soomaaliga, waxaana kala qeyb qaadanaya jilayaal kale oo aan u dhalan Soomaali, balse ku hadlaya Af-soomaali la xifdisiiyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada