Madaxweyne Xasan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweyne Xasan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gelinkii danbe ee maanta, dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib shir hal maalin socday oo magaalada Addis Ababa uu ugu qeybgalay. Waxaana wafdiga Madaxweynaha garoonka Muqdisho kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo xubno ka tirsan labada gole.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeybgalay shir Madaxda IGAD isugu yimaadeen, kaasoo looga hadlayay dhibaatada iyo xal u helida Koonfurta Suudaan.

Soo laabashada Madaxweynaha ayaa kusoo beegantay xili Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ay mooshin ka dhan Ra’iisul Wasaaraha ka gudbiyeen shalay, mooshinkaasi oo muran badan ka dhashay, waxaana socda kulamo kala gooni ah oo Madaxweynaha uu la yeelanayo Xildhibaanada ku fikirka ah.


Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa lagu soo waramayaa in uu wado dadaal ku aadan hal hoosaad laga gaaro khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo uu kulan gaar ah uu la yeeshay Madaxweynaha.

140 Xildhibaan ayaa shalay mooshin ka gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha, halka 60 Xildhibaan ay mooshinkaasi kasoo horjeesteen, kuna tilmaamay sharci daro.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada