Al-Shabab oo gacanta ku dhigay Dhaqaatiir ka yimid Kenya

Al-Shabab oo gacanta ku dhigay Dhaqaatiir ka yimid Kenya

daajis.com:- Maliishiyo ka tirsan ururuka Al-Shabab ayaa waxay afduubteen Shan qof oo 3 ka mid yihiin Dhakhaatiir, xili ay marayeen tuulada Cascaseey oo u dhow magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Dhakhaatiirta la afduubay ayaa waxay saarnaayeen laba baabuur, iyadoo labada nin kale ee lala afduubtay ay ahaayeen darawalada u waday baabuurta, waxayna kusoo jeedeen magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha degmada Garbaharey Iimaan Caddow Kaarshe ayaa Idaacadda VOA u sheegay in dhakhaatiirta magaalada Mandera, ee dalka Kenya kaga soo qaybgaleen siminaar ku saabsan caafimaadka.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka waxaa ay Al-Shabab u kaxeysteen Dhaqaatiirtaan degaanka Gaddoon Dhawe oo ay gacanta ku hayaan ururka al-Shabab una dhaxaysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Ceelwaaq.

Guddoomiyaha Garbaharey ayaa sheegay inay ku dabajiraan maleeshiyada dhakhaatiirtan afduubay, waxaana sidoo kale socda dadaallo la doonayo in lagu sii daayo dhakhaatiirtaas sida ay mas’uuliyiinta degaanku sheegeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada